Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo isbedelo dhanka caafimaadka ah sameyneysa

Ururka xirfadlayaasha caafimaadka Somaliland, ayaa markii ugu horeysay bilaabay diiwaangelin uu ku kala saarayo, dhakhaatiirta shahaadooyinka haysta ee ku howlan caafimaadka, isla markaana uu ka xaqiijinayo shahaadooyinka kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka.

Ururka ayaa durba Somaliland ka masaafuriyay dad shisheeye ah oo dhakhaatiir sheeganayay.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa dood dhex dhigay gudoomiyaha ururka xirfadlayaasha caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday iyo gudoomiyaha ururka dhakhaatiirta Somaliland Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi .

Wuxuu ugu horeyn weydiiyay gudoomiyaha ururka xirfadlayaasha caafimaadka, hawsha ay hadda wadaan.