Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qiimaha maciishada caalamka oo aad sare ugu kacay

Ururka Economist Intelligence Unit ayaa maanta soo saaraya warbixin ku saabsan qiimaha maciishadda ee caalamka oo dhan.

Sanadkii lasoo dhaafay, Singapore ayaa noqtay dalka ugu qaalisan marka laga hadlayo maciishadda, waxaana ay ka hormartay dalka Japan oo kaalintaasi horay ugu jiray.

Dalalka ay Soomaalidu degto ee Bariga Afrika, ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay laga dareemayay sare u kac maciishadda ah.

Tusaale ahaan, magaalooyinka waaweyn ee Kenya waxaa sanadihii lasoo dhaafay sare u kacayay kirada guryaha, qiimaha quutul daruuriga iyo weliba gaaska wax lagu karsado.

Salaad Cabdullahi Cumar waxa uu bartay cilmiga dhaqaalaha, waxaana uu sare u kaca maciishadda uga warramay weriyaha BBC Fardosa Maxamed Cilmi.