Koronto laga dhalinayo hawada

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Qalab cusub hawada kornto ka dhaliya ayaa lagu arkayaa baddaha iyo cira si ay koronto dheeraad ah u dhaliyaan.

Dadka dhaleeceeya korontada laga dhaliyo hawada ayaa ku doodaya in qalabkani uusan waxtar weyn foolxun yahay oo uusan waxtar weyn layn, intaa waxaa dheer in uu bay'adda xumeynayo, lacag badana ay ku baxeyso.

Waxtarka qalabka hawada korontarda ayaa marar badan la dhaliilayay, hase ahaatee quwada hawado waa mid bilaash ah, halka korontadda hawada laga dhaliyo ay ka qaalisan tahay tan shidaalka lagu dhaliyo, hase ahaatee sicir ayaa hadda si deg deg ah hoos ugu soo dhacaya.

Qalab hirarka badda ka dhaliya koronto oo cusub ayaa hadda waxaa uu korontada hawada laga dhaliyo uu ka dhigayaa mid raqiis ah oo si sahal ah loo dhalin karo, isla markaana aad deegaanka si weyn looga dareemeyn.

Qaar badan lagama yaabo in ay suuqa gaaraan, hase ahaatee kuwa suuqa lagu gadi doono ayaa waxay isbedel weyn ku sameyn karaa korontada laga dhaliyo hawadal.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Prof. Yuji Ohya oo ka tirsan jaamacadda dalka Japan Kyushu ayaa sheegaya qalalabka halka oo labo laab ama seddex laab koronto ah hawada ka dhalin karo ayaa hadda waxaa uu hoos u dhigayaa dhawaaqa uu sameeyo marka ay timaado meelaha ay dadka badan ku nool yihiin..

Dr. Gordon Edge oo ka tirsan hay'adda Renewable UK ayaa su'aal ka keenya tiradda qalabka loo baahan yahay in lagu taageero qalabkan hawada korontada ka dhalinaya. Waxaa intaa dheer ayaa yir, fikirku ma aha mid cusub, wax isbedel oo weyna ma jiro.

Qalab aad casri u ah oo xagga dhalinta korontada ayaa waxaa ka shaqeynaya shirkad laga lee yahay dalka Mareykanka ee Sheer Wind.

Waxaana sidoo kale wali socoto cilmi baaris la xiriirta sidii qaalida qalabku sameeyo hoos loogu dhigi lahaa. Dr. Daryoush Allaei oo ka tiran Wasaaradda Quwada ee Mareykanka ayaa ay la tahay in ay jiri karto si wanaagsan oo looga faa'iideysto in hawada koronto laga dhaliyo.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Waxaa si deg deg ah ku baahaya in badda dusheeda ay sabeeyaan qalab korontada dhaliya. Waxayna tijaabo ka socota xeebaha Norway,Burtaqiiska iyo Japan, meelahaas oo dhowr shirkadood ay shaqeyn wadaan oo ay ku doonayaa in ay si wanaagsan hawada horonto uga dhaliyaan.

Dr. Edge waxaa uu sheegayaa in ay awood u yeelan karaan in ay sicirka korontada laga dhaliyo hawadda ay aad hoos ugu dhigi karaan.

Mr. Matthieson ayaa waxaa uu sheegayaa haddii dhab ahaantii la doonayo in isbedel weyn oo dhaco marka ay timaado xagga koronto dhalinta waxaa loo baahan yahay in la dardar galiyo howshan oo xeebaha in si weyn loo isticmaalo.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service