Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Go'aanka toogashadii Ferguson ee Maraykanka

Waaxda cadaalada ee maraykanka ayaa go'aan ku gaartay in aanay wax dacwad ah ku soo oogin sargaal boolis ah oo cadaan ah oo toogasho ku dilay nin da'ayar oo madow ah oo aan hubaysnayn magaalda Ferguson ee gobolka Missouri sandakii aan soo dhaafnay.

Toogashada Micahel Brown waxa ka dhashay mudaharaadyo rabshado watay oo ka dhcay magaaladas Ferguson iyo sidoo kale dibed baxyo ka dhacay meelo badan oo dalka maraykanka ah.

Baaritaanka Waaxda cadaalada ma muujin wax beeninaya hadalka sargaalka ee ahaa in uu rasaasta ku furay wiilkaasi isagoo u baqaya noloshiisa.

Hasayeshe waxay sheegtay waaxda cadaalada in laanta booliska ee ferguson ay ku kacday eex midab takoor ah iyo in awood xad dhaaf ah ay u adeegsatay dadka madowga ah.

Xeer ilaaliyaha dalka Maraykanka ayaa arrintaasi ka hadlay.

Halkan ka dhagayso warbixin uu arrintaas ka diyaariyey weriyaha BBC-da ee Maraykanka Maxamed Xaaji Xussein Shiine.