Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heshiis laga gaaray colaadda Guriceel

Lahaanshaha sawirka na

Fiidnimadii xalay waxaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud dowladda federaalka iyo kooxda Ahlu Sunna oo in dhawaalaba ku loolamayay gacan ku haynta Guriceel iyo deegaano kale oo gobolka ku yaala.

Wasiirka gaashaan-dhigga dowladda Federaalka Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo dowladda Federaalka u saxiixay heshiiska, ayaa BBC u sheegay in heshiiskan looga goleeyahay sidii lagu soo afjari lahaa dagaalada soo noqnoqday ee ka dhacay Magaalada.

Wasiirka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa magaalooyinka Dhuusamreeb iyo Guriceel halkaas oo uu ka waday dhaxdhaxaadin.

Dagaallada ka dhacay Guri-ceel ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo qoysas badan ay ku qasbeen inay ka qaxaan guryahooda.

Halkan ka dhagayso waraysiga Wasiirka.