Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorka shiicada Iiraan ee dagaalka Tikrit

Xoogaga Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in ay hormar ka sameeyeen dagaalka ay ku doonayaan in ay kooxda Daacish kaga saaraan magaalada Tikrit ee waqooyiga Baqdaad.

Kumanaan kun oo melishiyaad Shiica ah iyo ciidamada dawladda Ciraaq ayaa la sheegay in ay qabsadeen tuulooyin ku dhaw Tikrit.

Maraykanka oo dhinac uga jira dagaalka ayaa weeradiisa ay ay ku egyihiin dhinaca cirka oo kali ah, balse Iraan ayaa door muuqda ku leh ololaha lagula dagaalamaya Daacish dhinaca dhulka.

Weriyaha BBC-da Axmed Meher ayaa warbixintan inooga soo diray safka hore ee dagaalka Tikrit

Waxaa soo jeedinaya Rage Xassan