Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo la'aan ba'an oo soo wajahday dadka Buur Hakaba

Biyo la'aan ba'an ayaa laga soo sheegayaa magaalada Buur Hakaba iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran kaddib markii ay gureen inta badan ceelashii iyo warihii ama balliyadii biyaha laga cabi jiray ee deegaankaasi.

Fuustadii biyaha ah ayaa haatan waxaa lagu kala iibsadaa boqol kun oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta Shan dollar, qiimahaasi oo asyan awoodin dadka ku nool Buur Hakaba oo u badan dan yar.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa ka waramaya biyo yarida ka jirta degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay.