Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Halista qabyaaladda Somaliland oo laga dooday

Magaalada Hargeysa, waxaa dhawaan lagu qabtay dood dhallinyaro aqoonyahanno ahi ay soo qaban qaabiyeen oo ku saabsanayd saameynta qabyaaladu ay ku leedahay nolosha iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Haddaba doodaasi kaddib ayuu weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige waxa uu markii danbe dood u qabtay saddex dhalinyaro ah oo kala ah Maxamed cumar Cismaan oo ah agaasimaha machadka horumarinta aadamaha ee somaliland, cabdifataax faysal xuseen oo ka tirsan kacdoonka dhallinyarada ee ka hortaga qabyaalada ee London, iyo xamda maxamed xuseen oo ah qoraa iyo cilmi baare.

Waxaa billaabaya dooda Maxamed cumar oo ka jawaabaya cidda doodan qabyaaladda soo qabanqaabisay?.