Naafada Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweeney ka hadashay dhibaatada naafada

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in dadka naafada ah ee Soomaaliya ay la kulmaan tacadiyo badan oo ay ka mid yihiin kufsi iyo in guryaha ay degan yihiin laga saaro.

Amnesty ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in colaadda Soomaaliya ka jirta muddada ka badan 20-ka sano ay ka dhigtay dadka naafada ah kuwo u nugul xadgudubyada.

Fartun Maxamed Maxamud ayaa xaaladda dadka naafada ee Muqdisho uga warrantay weriyaha BBC-da Maxamed Cabdiraxman Sheekh.