Cadaado
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Diyaargarowga shirka maammul u samaynta gobollada dhexe

Magaalada Cadaado waxaa ka socoda qaban-qaabada shirka maamul u samaynta gobollada Dhexe, iyadoo wufuud kala duwan ay gaarayaan magaaladaasi.

Haddaba Cabdullahi Sheekh Cabdirisaaq ayaa arrintaas iyo arrimo kale oo ku saabsan khilaaf la sheegay in uu u dhexeeya ciidammada Itoobiya iyo kuwa Djibouti oo ku aadan ciddanka sugaysa ammanka shirkaasi, waxaa uu ka wareystay Carays Maxamad Xasan, oo ah afhayeenka maammulka Ximan iyo Xeeb, oo maammulo magaalada Cadaado.