Qaat
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Noolosha dadkii Qaadka laga mamnuuday Britain

Hay'ado saldhiggoodu yahay Britain ayaa sheegay in isbeddel weyn laga dareemay nolosha dadkii qaadka cuni jiray, ka hor intii aysan xukuumadda ingiriiska xayiraadda ku soo rogin jaadka muddo haatan laga joogo lix bilood.

Daraasad ku qotonta baaritaanno ay siyaabo gooni gooni ah u sameeyeen dhowr hay'adood oo boolisku ka mid yahay ayaa lagu soo bandhigay bariga London.

Waxaa halkaas joogay wariye madax banana oo la yiraahdo Aadan Dirir, Farah Lamaane ayuu uga waramay natiijada daraasaddii la soo bandhigay.