Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamacad abaalmarin guddoonsiisay haweeney Soomaaliyeed

Jaamacada Kutaala gobolka Minnesota ee la yiraahdo Augsbur (oogas-buraag) ayaa abaalmarinta qaaliga ah ee jaamacadaasi sanadkiiba mar ay bixiso guddoonsiisay gabar soomaaliyeed oo la yiraahdo Miski Maxamed Cabdulle.

Abaalmarinta oo la yiraahdo haweenayda halyeyga ah, ayaa waxaa la siiyaa dumarka aan codkooda la maqlin ee ku caanbaxay in ay qabtaan waxyaabaha wanaagsan.

Miski ayaa muddo dheer u shaqaynaysay bulshada Somaliya ee deggan gobolka Minnesota.

Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa waraystay waxa uuna marka hora waydiiyay, bal waxa ay ku mutaysatay abaalmarinta.