Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan macallimiin yarida W.B Kenya

In ka badan 400 oo macallin ayaa shalay ka qalinjabiyey kuleejka lagu barto macallinimada ee magaalada Gaarisa. 22 keliya ah oo ka mid ah ardayda qalinjabisay ayaa ka soo jeeda degaanka oo Soomaali ah.

Waxay ahayd arrin isa soo taraysay mudo sanado ahba, waxaana jirta in ay aad u yar yihiin ardeyda macallinimada barata ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, taasoo loo aaneynayo dhanka bulshada oo liida ama aan aad u qiimaynin macallinimada.

Sidoo kale arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli qaar ka mid ah macalimiinta aan u dhalan gobolka ay doonayaan in laga soo wareejiyo gobolka sababa dhanka ammaanka awgeed.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhacay ayaa ka qeyb galay xafladda qalin jabinta, warbixintan ayuuna inooga diyaariyey.