Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xujeyda oo shuruudo cusub lagu soo rogay

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay shuruudo cusub oo lagu xirayo dadka doonaya in ay sanadkan gutaan waajibaaka Xajka.

Waxa ka mid ah shuruudahaasi, in saddex bilood ka hor gudashada xajka uu qofka gudbiyo basaboorkiisa si loo siiyo fiso ama dal ku gal.

Ururka dalada Muslimiinta Kenya (Supkem) iyo shirkadaha xujeyda dhoofiya ayaa ka cabanaya shuruudan waxayna sheegayaan in ay ku adagtahay dadku in ay si dhaqso ah ku helaan baasaboor.

Sheikh Yacquub Yoonis waxa uu ka mid yahay dadka xujeyda dhoofiya. Weriyaha BBC Maxamuud Cali ayuu uga waramay shurudahaasi cusub.