Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Shamsa Maxamed Foot

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Shamsa Foot waxay dhowaan soo saartay heeso cusub

Fanaanadda Shamsa Maxamed Foot waxay sameysaa heeso muuqaal ah oo oo ka hadla dhinacyo kala duwan sida jacaylka, waddaniyadda, waxbarashada iyo arrimo kale.

Dhowaan ayay soo saartay heeso cusub, haddaba Shamsa oo ku nool magaaladatan London, ayaa waxay nagu soo booqatay Istuudiyaha BBC Somali ee London.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo la yeeshay wareysi dheer ayaa kala hadlay taariikhdeeda iyo muusigga ay sameyso oo qaar ay sheegeyso inay u isticmaasho inay dad ku daaweyso caafimaad ahaan.