Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xeer ilaaliyaha Somaliland oo la kulmay Queen Elizebeth

Lahaanshaha sawirka Ahmed
Image caption Xassan Axmed waxa uu la kulmay Queen Elizebeth II

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Adan ayaa ka hadlay sida ay ugu suurtagashay inuu gacan qaado oo la kulmo boqoradda dalka Britain queen Elizebeth II mar uu dhowaan magaalada London kaga soo qayb galay shir caalami ahaa oo ku saabsanaa garsoorka iyo amniga .

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wareystay xeer ilaaliyaha guud ee somaliland Xasan Axmed adan ayaa wuxuu ka wareystay hab raaca barotokoolka marka lala kulmayo ama la gacan qaadayo boqorada , dharka la xidhanaayo , iyo waxyaabaha mamnuuca ka ah in lala galo qasriga boqorada.

wuxuuna ugu horeyn weydiiyay sida uu ku tegay qasriga boqorada.