Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qurbe joogta iyo Caqabadaha ka haysta Af Soomaaliga

Caqabada ay wadaagaan inta badan qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool dalalka galbeedka ayaa ah, sidii ay caruurtooda ku baran lahaayeen uguna hadli lahaayeen luuqada Soomaaliga.

Caruurtaasi ayaa intooda badan ku hadla luuqadaha dalalka ay ku nool yihiin.

Qalinleyda Soomaaliyeed waa hay'ad sameysa wacyigelin ku saabsan luuqada Soomaaliga.

Anwar Maxamed Diiriye waa xoghayaha guud ee hay'adda Qalinleyda Soomaaliyeed. Waxa uu khadka telefoonka ee Washington ugu warramay weriyaha BBC Maxamuud Cali.