Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xalaadda Qaxootiga Dhadhaab oo laga arrinsaday

Xildhibaanno ka tirsan gudiga xuquuqul insaanka ee baarlamaanka Kenya iyo saraakiil ka socota hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, ayaa soo gebagabeeyay booqasho ay ku tageen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Ujeedada booqashadooda ayaa ahaa in ay u kuur galaan xaaladda noolal ee dadka qaxootiga ah, iyo sidii xaaladaasi wax looga qaban lahaa. Waxaa ka mid ahaa xildhibaannada Kenyan-ka ah ee wefdigaasi ka tirsanaa xildhibaan Cabdullaahi Diiriye Dhakaloow oo laga soo doorto deegaanka Koonfurta Wajeer. Waxa uu socdaalkooda uga warramay weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.