Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaar ku dhufatay deegaanka Wajeer

Abaar iyo biyo yari baahsan ayaa laga soo sheegayaa deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya.

Deegaanka Wajeer ayaa waxaa biyo yari iyo abaar ba'an ay ku habsatay xoolaha iyo dadkaba, kaddib markii roobkii ugu dambeeyay ay deegaanka ka da'een bilihii hore ee sanadkii 2013-kii.

Axmed Cabdullahi waa gafernatooraha laga soo doorto deegaanka Wajeer, wuxuu dhibaatadda abaarta iyo biyo la'aanta uga warramay weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.