Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Itoobiya oo keydinaysa sheekooyinkii qadiimiga

Dhaqanka inta badan ka jiray waddamada Afrika ee caruurta loo sheegi jiray sheekooyinka ayaa u muuqada in uu yahay mid sii dabar go'aya waxaana ugu wacan faafida hanaanka waxbarashada ee laga dhaxlay ree galbeedka, diimaha oo fiday iyo Internet oo ku baahay qaarada Afrika.

Marka qof da'a ah uu geeriyoodo, waxa uu la dhintaa sheekooyin badan.

Itoobiya waxa ka go'an in ay keydiso sheekooyinka muhiimka ah.

20 sano ka hor, wasaarada waxbarashada ee Itoobiya ayaa waxa ay kaashatay hay'adda British Council si ay sheekooyin uga duubto dadka haya sheekooyinka guud ahaan dalka.

Ugu dambeyntii waxa lagu guulaystay mashruuci isaga ahaa- boqolaal sheekooyin ah ayaa lagu keydiyey Internetka.

Safaarada Itoobiya ay ku leedahay London ayaa dhowaan qabatay xaflad ay ugu dabaal dagaysay mashruuca la kaamil yeelay.

Waxa xafladaas lagu casuumay tafaftiraa BBC-da ee wararka Africa Mary Harper, warbixintan ayey ka diyaarisay, Abdirizaaq Xaaji Catoosh ayaa soo jeedinaya..