Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo yaraan ka jirta gobalka Mudug

Sanad walba maanta oo kale, waxaa dunida laga xusaa maalinta biyaha adduunka. Sanadkaan halku dhegga ayaa ah biyaha iyo horumar joogta ah in la helo. QM ayaa warbixin ay soo saartay waxay kaga digtay in dunida ay soo foodsaari karto 40% hoos u dhac xagga biyaha ah, taasoo looga badbaadi karo in uu dhaco isbeddel weyn oo ku saabsan sida loo isticmaalo khayraadkaas.

Haddaba qaybo Soomaaliya ka mid ah ayaa biyo yaraan xoog leh laga soo sheegayaa. Meelahaas waxaa ka mid ah deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Weriyaha BBC-da Xassan Cali Gelle ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Salad Ciise Maxamud oo ka mid ah dadka ku nool deegaankaasi, waxa uuna ugu horeyn wax ka weydiiyay xaalada biyo la'aanta ee ay ka cabanayaan.