Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tababarka garsoorayaasha Soomaliland

Magaalada Hargeysa waxaa ka soconaya tababar la siinaayo garsoorayaasha maxkamadaha. Tababarku wuxuu ku saabsan yahay sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadda garsoorayaasha sida madaxbanaanida garsooraha, doodda iyo asluubta maxkamadda, iyo sida loola dhaqmo markhaatiyaasha nugul. Tababarkan waxaa hirgelinaya machadka HORIZON ee xagga cadaaladda, waxaana maalgelisay Waaxda horumarinta caalamiga ee Britain.

Haddaba Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa wuxuu ka wareystay guud ahaan mashruucan iyo taageerida dhinaca cadaaladda, Gudoomiyaha Machadka HORIZON Raaqiya Cabdillaahi Oomaar , laakiin marka hore wuxuu ku bilaabayaa agaasimaha machadkaas xafiiskiisa Hargeysa saciid Axmed Maxamed, bal inuu faahfaahin ka bixiyo waxa tababarkan ku saabsan yahay.