Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamad dambiyo ku waysay Cabdiraxmaan Boore

Maxkamad ku taalla dalkan Britain, ayaa shalay gaartay xukun ku saabsanaa ganacsadaha Djibouti, Cadiraxmaan Boorre iyo xukuumadda Djibouti.

Cabdiraxmaan Boorre, ayaa maxkamad ku taalla dalka Djibouti ay horay ugu xukuntay xabsi, isagoo dalka ka maqan.

Waxaa kaloo horay loo xanibay hantida uu lahaa ganacsadahaasi.

Xaakimka Mr Justice Flookis, ayaa dhaliilay qareenada dowladda Djibouti oo uu sheegay in si xaqiiqda ka fog ay u soo gudbiyeen dacwadda.

Hadaba, Tifaftiraha BBC Soomaali Cabdiraxmaan Koronto, ayaa la xiriiray Ganacsadahaasi reer Djibouti, Cabdiraxmaan Boore, oo ka maqnaa dalkaas tan iyo muddadii lagu soo eedeeyay in uu ku lug lahaa abaabulka falal argagixiso.

Waxaa uu Cabdiraxmaan waydiiyay ugu horeyntii, sida uu u arko go'aanada maxkamadda Ingiriiska: