Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ammaanka doorashada Nigeria

Maalinta sabtida ah Nigeria waxa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho xilli aad looga walaacsanyahay dhinaca ammaanka. Weerarada Kooxda Islaamiga ah ee Boko Xaraam ay ka fulisay inta badan waqooyi bari dalkaasi ayaa waxa ku ku dhintay in ka badan 13 kun oo qof. Cabsi ayaa jirta ah in ay kooxdo carqalaydayso doorashooyinka. Hay'addaha caalamiga ah ee kormeera doorashooyinka sida EU iyo wadamada barwaaqa sooranka ayaa sheegay in aanay kormeerayaal u diri doonin waqooyi-bari dalkaasi cabsi ay ka qabaan in la weeraro.

Muddo ku dhow sannad waxay kooxdu afduub u haysataan in kabaddan 200 oo gabdhood oo laga afduubay iskuul ku yaala waqooyiga Nigeria. Weriyaha BBC-da Maxammud Cali oo hadda jooga Abuja ayaa warbixintana waxa uu ku eegayaa caqabadaha dhinaca amaanka ee soo food saaray Nigeria.

--