south afrika
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida South Afrika oo is baraya bulshada degaanka

Soomaalida ku dhaqan South Africa oo ay haysato dhibaatooyin ay ka mid yihiin dil iyo dhac, ayaa waxay haatan billaabeen kulamo ay ku doonayaan in ay ku abuuraan jawi isfahan oo dhinaca is-dhexgalka bulshada ah, oo ay la yeelanayaan dadka u dhashay South Africa.

kulanka oo lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa sidoo kale waxaa la xusay taariikhda dheer ee u dhaxeysa Soomaalida iyo dadka South Africa. kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galayay sidoo kale mas'uuliyiin iyo shacab deegaanka ah.

Caamir Sheekh Xusen waa guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida waxaa uu kulankaasi uga warramay weriyaha BBC-da Fardowsa Maxamad Cilmi.