Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Codadka Soomaalida Britain

Codadka Soomaalida si wanaagsan ugama muuqdaan warbaahinta dalka UK, waxaana loo baahan yahay sidii wax looga badali lahaa in loogu howlgalo, ayuu ahaa nuxurka ka soo baxay kulan loogu magacdaray 'Somali Voices' ama Codadka Soomaalida, oo lagu qabtay xarunta BBC ee London.

Waxaa qabanqaabisay hay'adda Media Trust, oo sidoo kale tababar siisay dhalinyaro iyo qaybaha kale ee bulshada Soomaalida oo la xiriira sidii ay codkooda ugu gudbin lahaayeen warbaahinta haday noqon lahayd in ay ka shaqeeyaan iyagu ama dadkooda afhayeen u noqdaan.

Waxaa dadkii ka qaybgalay ka mid ahaa Ruqiyo Maxamed Faarax, oo ku howlan arrimaha waxbarashada iyo Farxaan Cabdi Nugaal, oo ah cilmibaare madaxbanaan.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa waydiiyay sida ay u arkaan dooddii ka dhacday xarunta BBC oo xubnihii waday ay ka mid ahaayeen dad ka socda warbaahinta UK, sida BBC, Sky iyo the Guardian