Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xulista Xildhibaanada Jubbaland oo ay dood ka taagan tahay

Shirkii xulista xildhibaanada baarlamanka Jubbaland ee ka soconayay magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo baxayso in mid ka mid ah beelaha dega goboladaasi ay shirkaasi isaga baxday.

Beesha Sade Daarood ayaa sheegtay inay dhaliilsan tahay si uu u socdo hannaanka xulista baarlamaanka maamulka gobaladaasi.

Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysannay afhayeen u hadlay beeshaasi oo lagu magacaabo nabadoon Daahir Aadan Yuusuf oo isagoo ku sugan magaalada Kismaayo khadka taleefanka ugu warramay Faarax Lamaane, oo marka hore waydiiyay sababta ku dhalisay inay shirkaasi ka baxaan?