Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Goob jooge ka warramaya weerarkii Jaamacadda Gaarisa

Weerarkii Khamiistii ka dhacay jaamacadda Gaarisa dadkii indhahooda ku arkay ee goob joogga u ahaa waxaa ka mid ahaa nin deggan meel u dhow jaamacadda.

Xataa wuxuu maqlay oo dhegtiisa ku soo dhacay hadallo ka horreeyey rasaasta iyo qaraxyada.

Ninkan oo diiday in magaciisa la shaaciya ayaa weriyaha BBC Bashkas Jugsoodhacay uga warramay wixii uu goobjoogga u ahaa.