Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qorshe "bedel" u noqon kara hiigsiga 2016-ka

Urur-siyaasadeedka Madasha Midnimada iyo Dimuquraadiya oo ay ku mideysan yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka iyo qaar ka mid ah ururrada Siyaasadda ee ka jira Soomaaliya, ayaa wuxuu soo bandhigay qorshe uu ugu magac daray Saami Siman, oo doorasho looga qaban karo Soomaaliya 2016-ka, maadaama sida ay sheegeen uu habacsanaan ka jiro barnaamijka hiigsiga 2016-ka ee loo dajiyay in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho loo wada dhan yahay.

Weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa xoghaya Madasha Cali Maxamed Maxamuud "Cali Xareed" oo ahaa wasiirkii hore ee caafimaadka, waxa uu ka wareystay inuu sharaxaad ka bixiyo nooca doorasho ee ay soo jeediyeen.