Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mudaharaad ka dhan ah weerarkii Gaarisa oo ka dhacay Minneapolis

Iyadoo Khamiistii ay 147 qof oo arday u badan ku dhinteen weerar lagu qaaday jaamacad ku taalla Gaarisa, ayaa qaar kamid ah bulshada ka soo jeeda deegaanka Gaarisa waxaa mudaharaad ay ku cambaareynayaan weerarka ka dhigeen gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka.

Dadkan, ayaa watay boodhadh iyo hal ku dhegyo ay kaga soo hor jeedaan dil wadareedkaasi.

Weriyha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, ayaa tegay goobta ay ku mudaaharaadayeen dadkaas, asigoo qaar kamid ah la hadalay.