Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo diyaarineysa meel lagu hayo qaxootiga Yemen

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo hay'adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa booqasho ku tegay gobolka Saaxil ee Berbera, si ay u calaamadeeyaan goobo loogu talo galay in qaxootiga ka soo cararaya dagaalka Yemen ee soo magansanaya dekedda Berbera lagu nasiyo.

Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Somaliland, Cali Saciid Reygal oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta booqday Berbera ayaa ka warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen qaabilaada qaxootiga Yemen.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayuu u warramay.