Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxootiga Dhadhaab oo ka hadlay baaqa raridooda

Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa iska bari yeelay inay ku lug leeyihiin falalka amni darrada iyo argagixisada ee ka dhaca Kenya.

Hadalkaas ayaa yimid ka dib markii Mas'uuliyiinta dawladda ku jira ee ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ay dalbadeen in la xiro xeryaha qaxootiga Dhadhaab, oo ay sheegeen in laga soo maleego weerarradii uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa khamiistii.

Geeddi Cabdi, waa guddoomiye ku xigeenka qaxootiga ku jira xerada xagardheer. Fardowsa Maxamed Cilmi ayuu uga warramay sida ay qaxootiga xeryahaas ku jira u arkaan hadalkaas ka soo yeeray madaxda Kenya ee Soomaalida ah.