Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xawaaladaha oo ka jawaabay xanibaadda Kenya

Dawladda Kenya ayaa joojisay xisaabaadka 86 shakhsi iyo koontooyinka 13 xawaaladood, oo looga shakisan yahay inay taageero dhaqaale ku bixinayeen dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ay ka waddo Kenya.

Dhawaan ayey ahayd markii madax ka tirsan dawladda Kenya ay sheegeen in daboolka laga qaadayo shakhsiyaadka gacanta ka geysta weerarrada ay Al-shabab ka fuliso gudaha Kenya.

Haddaba xayiraaddaas oo daba socota weerarkii ka dhacay jaamacadda Gaarisa, ayaan kala xiriirnay Cabdi Cali oo ah xiriiriyaha shirkadaha xawaaladaha Soomaalida. Farah Lamaane ayuu khadka telefoonka ee Dubai ugu warramay.