Puntland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay Puntland ku diidan tahay maammul u samaynta gobollada Dhexe

Ra'iisal wasaraaha Soomaaliya Omar Cabdirashiid Shar'marke ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimca ah uu gaaro magaalda Garowe, caasimada maamul goboleedka Puntland.

Booqashadiisa ayaa imanysaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay golaha wasiirada Puntland ay ku gacan seyreen hadal uu madaxwyne Xassan Sheekh ka jeediyey magaalda Dhusmareeb, kaasi oo ahaa in maamul loo sameyn doono gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in hadalkaasi uu burinayo heshiiskii ay sanadkii hore kala saxiixdeen Puntland iyo dawlad Federaalka.

Cabdiweli Xirsi Cabdule, waa wasiirka warfaafinta ee Puntland, Raage Hassan ayuu uga waramay waxa ay qoonsadeen..