Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tababarka kolayga ee Hargeysa

Magaalada Hargeysa, garoonka kubadda koleyga ciyaartoydii hore ee u safan jirtay hargeysa kubadda koleyga ciyaarihii goboladii soomaaliya sanadihii sideetameeyadii ayaa qaarkood oo ka soo laabtay yurub iyo mareykanka waxa ay tababaraan dhallinyarada kooxaha kubadda koleyga,iyagoo sidoo kalena lana ciyaaraya.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay garonka oo tababaradii iyo ciyaarihii ka socdaan kubadda koleyga, kadibna wuxuu nooga soo diray warbixintan.