Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda Soomaalida kunool dalka Yemen

Dagaalka u dhaxeeya Xutiyiinta iyo taageerayaasha madaxweynha Yemen ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo xulafada uu hor kacayo Sacuudiga ay weli wadaan duqeynta saldhigyada Xutiyiinta.

Hay'ada caalamiga ah ee gargaarka ee laanqeerta cas ayaa sheegtay in ay gargaar gaasiisay magaalada Cadan.

Dhinaca kale dad badan oo Soomali ah ayaa ka qaxaya magaalooyinka waxayna u qaxayaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala Yemen sida xerada qaxootiga ee Al-kharaz.

Halkan ka dhagayso waraysiga Maxamed Koronto oo ah weriye madax banaan oo ku sugan xerada qaxootiga ee Al-kharaz.