Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi Cabdisalaan Hadliye

Image caption Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Cabdisalam Cumar Hadliye

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in cawaaqib xun uu ka dhalan doono haddii dowladda Kenya ay ku dhaqaaqdo go'aankeeda ah in boqolaal kun oo Soomaali qaxooti ah loo celiyo dalkooda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaan Cumar Hadliye oo u warramayay BBC Somali ayaa sheegay in go'aankaasi haddii uu jiro uu yahay mid ka dhan ah sharciyada caalamiga ee qaxootiga.

Wasiirku waxa uu sheegay in aan la soo wargelin dowladdiisa go'aankaasi, balse uu qabo in qaxootiga Soomaalida ay u noqdaan dalkoodu, lagana hubiyo goobaha ay tagayaan in ammaan uu ka jiro.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xiritaanka xawaaladaha Soomaalida ee Kenya.