Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hooyada wiilka ku safray lugta diyaaradda oo US la geeyay

Sanad ka hor intiinii xasuusata waxaanu idiin soo gudbinay warbixino iyo wareysiyo ku saabsan wiil Soomaali ah oo ku safray taayir diyaarad isaga kala gooshta gobollada California iyo Hawaii ee dalka Maraykanka.

Wiilkaasi waxa uu xilligaasi sheegay inuu taayirka diyaaradda u galay hilow uu u qabo hoyaddii oo joogtay Afrika.

Ubax Maxamed Cabdulle, waa hooyada dhashay wiilkaasi waxa ay xilligaasi ku nooleyd xirada qaxootiga ee Sheed Dheer ee waddanka Itoobiya, marka ay warka wiilkeeda maqashay ayaa waxa ay la soo xiriirtay BBC-da oo ay wareysi siisay.

Haddaba sanad kaddib Ubax waxaa u suuragashay inay Mareykanka tagto si ay carruurteeda ula midowdo.

Halkan ka dhageyso wareysigii sanad ka hor aan la yeelanay

Haddaba Ubax Maxamed haatan waxa ay ku sugan tahay waddanka Mareykanka oo ka aqbalay codsigaasi.

Markale waxay u warrantay Maxamed Xaaji Xuseen Shiine…