Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdsida dadka jajaaniibta ah ka haysato Koofur Afrika

Magaalada Durban ee waddanka Koonfur Afrika waxaa la kordhiyay booliska ilaaliya magaalada.

Arrintan ayaa waxaa looga gol-leeyahay sidii lagu xakameyn lahaa weerrarada ka dhanka ah ganacsiyada ay dalkaasi ku leeyihiin muhaajiriinta ka soo jeedda wadammada kale ee qaaradda Afrika.

Dadka halkaasi ganacsiyada ku leh oo ay weerraradan saameyeenna waxaa ka mid ah Soomaali halkaasi mudaba ku nooleyd, oo uu ka mid yahay Xassan Cabdullahi Dhoore oo isagoo jooga magaalada Durban khadka taleefanka ugu warramay Raage Xasan.