Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hargeysa: Xukunka dilka oo la cambaareeyay

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay xukunkii dilka ay ku fulisay Somaliland oo lagu toogtay lix qof oo maxkamado xukumeen.

Midowga Yurub oo ka soo horjeeda fulinta xukunka dilka ah ayaa ku tilmaamay tallaabo aan la filan karin oo dib u dhac ku ah horamurka Somaliland ay gaartay illaa iyo hadda ee dhinaca ku dhaqanka sharciga.

Haddaba wariyaha BBC Rarge Hassan ayaa khadka telefoonka ee magaalada Hargeysa wuxuu arrintan kaga wareystay Guuleed Axmed Jamac oo ka tirsan Xarunta Xaquuqul Insaanka ee Hargeysa.