Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qeyb qalliin oo lagu daray cisbitaalka Beled-Xaawo

Isbitaalka Guud ee magaalada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa la dhigay qalab casri ah oo loogu sameyn karo qalniin haweenka ay dhalmada dhibto.

Waxaa qeybtan ka faa'iidaysan doonaan kumanaan haween ah oo ku sugan gobolkaasi oo markii hore adeegyada noocaasi ah oo kale u doonan jiray magaalada dariska la ah magaaladaasi ee Mandera.

Hirgalinta barnaamijkan ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay'adaha samafalka.

Haddaba Dr Cabdiqani Sheekh Cumar, waa Agaasimaha waaxda malaariyada ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxa uu arrintaasi uga warramay weriyahayaga Raage Xasan.