Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqollaal Soomaali ah oo badda laga badbaadiyay

Ciidammada ilaalada xeebaha ee dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in ku dhawaad 10 kun oo qof oo tahriibayaal ah la badbaadiyay todobaadkan oo keli ah.

Shalay oo Khamiis aheyd oo keliyana waxaa la badbaadiyay 900 oo qof.

Dhibaatadii ugu dambeysay, 40 qof ayaa dhimatay kaddib markii ay cillad ku timid doontii ay saarnaayeen.

Horraantii todobaadkanna waxaa dhimatay 400 oo qof oo doontii ay saarnaayeen ku qariqantay badda Mediterranean-ka.

Boqollaal Soomaali ah ayaa ka mid ah dadka maalmahan ka gudbay badda Mediterranean-ka.

Cabdiraxman Maxamud Xasan, waxa uu ka mid yahay dadka usbaacan laga badbaadiyay badda, haatanna waxa uu joogaa xero ku taalla magaalada Roma.

Axmed Xaji Xasan ayuu khadka telefoonka ugu warramay………….