Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida sidey uga qeybgalayaan doorashada UK?

Muddo saddex toddobaad ayaa ka dhiman xilliga la qabanayo doorashooyinka guud ee dalka Britain.

Haddaba Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka laga tiro badan yahay, laakiin haddana deegaannada qaar uu codkoodu muhiim u yahay siyaasiyiinta xisbiyada kala duwan ee u tartamaya baarlamaanka.

Shalay magaalada London waxaa lagu qabtay shir ay ka qaybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida Britain.

Shirka oo loogu magacdaray UNITE waxa soo qaban qaabiyay ururka ATM ee la dagaallanka qabyaaladda, waxaana ujeedadiisu ahayd sidii looga hadli lahaa dhibaatooyinka heysta Soomaalida UK, loona mideyn lahaa fikirkooda, gaar ahaan ka qaybgalkooda hannaanka siyaasadda iyo doorashooyinka guud ee dhacaya bisha soo socota.

Haddaba Maxamed Ibrahim oo ka tirsan hay'adda London Somali Youth Forum oo ka mid ahaa dadkii ka qeygalay shirkaasi ayaa Farhan Maxamed Jimcaale oo wareystay waxa uu weydiiyay in Soomaalidu fahamsan tahay ahmiyadda codeynta?