Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ay yeesheen Soomaalida UK

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Cabdirashiid Daahir Fiidoow wuxuu ka tirsan yahay ururka la dagaallanka qabylaadda ee ATM

Iyadoo muddo ka yar saddex toddobaad ay ka dhiman tahay xilliga la qabanayo doorashooyinka Guud ee dalka Britain, ayaa Soomaalida UK ay ka hadlayaan baahidooda.

Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka laga tiro badan yahay, laakiin haddana deegaannada qaar uu codkoodu muhiim u yahay siyaasiyiinta xisbiyada kala duwan ee u tartamaya baarlamaanka.

Magaalada London waxaa lagu qabtay shir ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida Britian.

Shirka oo loogu magacdaray UNITE waxa soo qaban qaabiyay ururka ATM ee la dagaallanka qabyaaladda, waxaana ujeedadiisu ahayd sidii looga hadli lahaa dhibaatooyinka heysta Soomaalida UK, loona mideyn lahaa fikirkooda, gaar ahaan ka qaybgalkooda hanaanka siyaasadda iyo doorashooyinka guud ee dhacaya bisha soo socota.

Haddaba Cabdirashiid Daahir Fiidoow oo ka tirsan ATM ayaa uga warramay weriyaheena Farhan Maxamed Jimcaale arrimaha shirka looga hadlay.