Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir looga hadlayo qaxootiga Soomaalida ee Kenya

Waxaa maanta oo talaado ah lagu wadaa in magaalada Nairobi ay kulan ku yeeshaan sarakaiil ka kala socota Soomalaiya, Kenya iyo hay'adda qaxootiga ee UNHCR.

Waxaa laga hadlayaa waxa laga yeelaya qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab oo dawaldda Kenya ay horraantii bishan amar ku bixisay in Soomaaliya lagu celiyo seddax bilood gudahood.

Horray waxaa u jiray heshiis seddax geesood ah oo ku baaqayay in la taageero qaxootiga doonaya in ay iskood dib ugu laabtana Soomaaliya.

Haddaba waxyaabhii ay ka wadhaleen ayaa waxaan ka warraysanay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye oo uu u waramay Xasan-deeq Cabdullahi Haybe.