Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi waalidiinta dhalinyaro US oo la xiray

Hay'adda dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa isniinti waxay waxay sheegeen kala daadiyeen shabakad ka jirta Minnesota oo dagaalyahanno u qorta khilaafada Islaamiga, ayagoo xiray 6 dhallinyaro Somali-Amerikaan ah oo la sheegay inay muddo bilooyin ah isku dayayeen inay u socdaalaan Suuriya si ay ugu biiraan Khilaafada Islaamiga. Dhallinyarada qaarkood waxay aad isugu dayayeen, oona laga hor istaagay inay ka dhoofaan Garoonka JFK ee NY, ayadoo mid ka mid ah saaxibadoodna la xiray, dacwadna lagu soo oogay. Dhallinyaradaas dhamaantood waxay da'doodu u dhaxaysay 19 - 21 sano.

Hadaba Wariyaha BBC-da Maxammed Xaaji Xusseen ayaa la kulmay laba kamid ah waaliidiinta dhashay dhaliyaradaasi oo kala ah Ayaan Maxamed Faarax oo dhashay labada wiil ee kala ah Maxamed iyo Cadnaan Abdixamiid Faarax iyo Farxiyo Maxamed oo dhashay Cabdiraxmaan Daa'uud wuxuuna marka hore Ayaan waydiiyay bal sidii ay ku ogaadeen qabashada wiilasheeda.