Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qeybtii ugu dambeysay Odayaasha oo cadaado tagaya

Waxaa soo baxaya in qaybtii ugu dambaysay ee odayaasha soo xulaya ergooyinka shirka maamul u sameynta gobalada dhexe ay saaka tagayaan magaalada Cadaado, halkaasoo si rasmi ah loo guda geli doono hawlihii shirka oo todobaadkii hore bilowday. Maxamed Xaashi Cabdi (carrabey) waa guddoomiye ku xigeenka guddiga farsamada ee shirka. Isagoo Cadaado jooga ayuu iiga warramay hawlihii u qabsoomay tan iyo markii uu madaxweynaha sida rasmiga ah u furay shirka maamul u samaynta gobollada dhexe.