Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wabiga Shabeelle oo fatahay

In ka badan labaatan tuulo oo ka tirsan gobolka Shebeellaha dhexe ayaa lagu soo warramayaa in uu ku fatahay webiga Shabeelle.

Boqolaal qoys oo deganaa tuulooyinkaasi ayaa ka barakacay guryahoodi.

Fatahaaddaasi ayaa sidoo kale baabi'isay dhul baareed aad u balaaran oo ku yaalla deegaano ka tirsan degmada Mahadaay.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Mahadaay, Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ayaa BBC-da u sheegay in haddii aan si deg deg loogu gurman qoysaska barakacay ay dhalan karto xaalad bini'aadanimo oo halisa.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan ayaa taleefanka ku waraystay.