Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Weerar Shabaab ka yimaada oo laga digay

Wasaaradda aminga gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weeraro argagixso ay damacsantahay kooxda Alshabaab in ay ku qaado meelaha dadku ku badanyahay ee magaalada Muqdisho, waxayna dadka ugu baaqday in ay feejignaan sare ka yeeshaan suurtagalnimada weeraro dhaca.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya oo maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda aminga ee wadanka isagoo ku tilmaamay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab inuu marayo meel wanaagsan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray