Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaasha Gaalkacyo oo roobabka ay barakiciyeen

Magaalada Kaalkacyo ayaa waxaa ka da'ay roobab aad u xoog badan oo saameeyay dadka rayid ka ah ee ku nool halkaasi.

Waxa ay si gaar ah roobabkan u saameeyeen dadka gudaha dalka ku barakacay ee ku noolaa xero halkaasi ku taalla.

Biyaha roobabka ayaa waxa ay qaadeen guryaha ay dadka barakacayaasha deganaayeen. Waxaa sidoo kale ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah xaafadaha.

Xaawo Maxamud Cabdi, oo ah gudoomiyaha dadka barakacayaasha ah ee ku noolaa xerada ku taalla Gaalkacyo ayaa Raage xasan uga warrantay saameynta ay roobabka ku yeesheen.